Home Wararka Somaliya Galmudug Dowlada soomaaliya oo Ka Hadashay Dagaalkii Qaraaraa ee Shalay ka Dhacay Duleedka...

Dowlada soomaaliya oo Ka Hadashay Dagaalkii Qaraaraa ee Shalay ka Dhacay Duleedka Caad

0

Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal aad u cuslaa oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay duleedka deegaanka Caad oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Taliyaha ciidanka dhulka, Jeneraal Dayax Axmed Cabdulle oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa sheegay in dagaalkii Caad jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Dayax ayaa tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka oo weerarka qaaday ay cagta mariyeen saldhigyo maleeshiyaadka Al-Shabaab kulahaayeen halkaasi, laguna laayay xubno badan oo uu sheegay inay ciidamadu kor tageen maydadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxaha falaagada, kaas oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaan la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen soonaha Caad” ayuu yiri Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle.

Sidoo kale wuuxuu soo hadal qaaday dagaal kale oo isna ka dhacay deegaanka Baraag oo u dhow magaalada Caad, kaas oo khasaare kale lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa xusay in gaadiid badan looga gubay kooxda, sidoo kalena aan lasoo koobi karin jabka xoogan ee ku gaaray halkaasi.

“Khasaaraha Khawaarijta soo gaaray lama soo koobi karo, meel kasta waxay daad gureynayaan khasaarihii soo gaaray, gaadiidna waa laga gubay oo kuwa dagaalka ah, hub badana waa laga helay”. ayuu hadlajiisa yari taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa maanta ah mid kacsan, waxayna ciidamada huwanta ay kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin dhaca gobollada dalka, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug.

Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay wasaaradda difaaca Soomaaliya ay shaaca ka qaaday in dagaalladii ugu dambeeyay lagu dilay 130 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ad
Previous articleMaxkamada Sare ee Puntland oo Ka Hortimid Go,aankii SSC uga Baxeen Puntland
Next articleBooliska Soomaaliya oobGo,aan kasoo saaray Arin ay Dadka Muqdisho ka Caroodeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here