Home galmudug Afayeenka Kooxda Shabaab oo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Afayeenka Kooxda Shabaab oo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

2
SHARE

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud (Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu beegsaday xarunta Wadaad lagu magacaabi jiray C/weli Sheekh Cilmi Yare.

Sheekh Cali Dheere oo warbaahinta Alshabaab ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada Alshabaab ka takhaluseen nin uu sheegay inuu gaaloobay oo u gefay Nebi Muxamed, isla markaana ay tallaabo ka qaadeen oo umadda muslimiinta ay dhaafiyeen sida uu yiri.

“Islaamku wuxuu qabaa in qofkii aflagaadeysa ama u gefta inuu diinta ka baxay, xukunkiisana waa dil” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo wadaadka la dilay ku eedeeyey in sidoo kale uu ku howlanaa fasahaadinta bulshadam sida, dumarka, uuna wado baadil ah ku hagayey sida uu yiri.

Sheekh Cali Dheere ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in reer Gaalkacyo dhexdooda lagu aflagaadeeyo Rasuulka SCW, wuxuuna uga baaqay dadka magaaladaasi inaysan mar kale dhicin arrintaasi oo kale.

Ku dhawaad 20 ruux oo uu ku jiro Sheekh Cabdiweli Cilmi Yare iyo labo caruurtiisa ka mid ah ayaa lagu dilay weerarka Gaalkacyo oo isugu jiray is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameedsaday xarunta wadaadkaas.

Afhayeenka Al-shabaab ayaan dhinaca kale soo hadal qaadin qarax gaari laga soo buuxiyey oo maanta lala beegsaday Suuq ku yaalla degmada Wadajir kaasoo ay ku dhinteen dadka badan 10 qof qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

2 COMMENTS

  1. Cali Dheere = Dambiile qaran oo u baahan in Dalka laga qabto. Dambiile duufsadey dhalinyaro badan oo aan wax badan ogeyn, Faham qaldana ka qaatey Diinteena Suuban ee Islaamka ah.

    Diinta Islaamka Waa Diina Nasiixa, Diin u nasteexeyso ama uu alle u soo dejiyay in dadka ( Beni aadamka ah ) oo dhan ay ku noolaadaan nolol wanaagsan, amaan iyo kala dambeyn. Meel Diinta Islaamka ay kaga jirto ama ay kaga qoran tahay majirto In La is qarxiyo ama la dilo qof beni aadam ah sabab la’aan. Haddii ay noqoto in Qof uu dambi galo, Su’aasha meesha taalo ayaa ah yaa xukumaayo ama ku fulin kara dambigaasi ? wa tuma cidda la xisaabtameyso ? Waxa la ogol yahay ama loo ogol yahay iney dambigaasi ciqaabtiisa fuliso, Dowladda si buuxdo uga wakiil ah shacabka, Dowladd siin karta xuquuqda iyo Xaqqa ay Shacabkaasi u bahan yihiin.. Dowladd ka masuul ah Shacabka ayna ku qanacsan yihiin Xukunkeedda.

    Dowladda Soomaaliya waa iney liiska madow gelisaa, dambiilahaan iyo kuwa lamid ka ah ( Dambiilayaasha Caalamiga ah), ee dalalkoodda ( Wanted-ka) ka ah, Waa nasiib darro in Soomaliya ay MAANTA u noqotey hoy ay ku nabadgalaan, kana sii wadaan fal-dambiyoodka guracan iyo baabi’inta shacab Shacab oo aan waxba galabsan.

    Aad bey u fudud tahay in Dhalinyaradda Soomaaliyeed, lagu fushado fal dambiyeed abuuri kara xasilooni darro iyo Nabadgelyo Xumo, ururadaan iyo kuwa lamid ka ah ( WAA IN DALKA LAGA MAMNUUCA, GACAN ADAG OO BIR AHNA LAGU XAKAMEEYO, LANA SOO AFJARO FAL-DAMBIYEEDYADDA AY KA GEYSTAAN GUDAHA DALKA SOOMAALIYA ), Waa Muhiim in yareeyo/la xakeemoyol/lana soo afjaro xasuuqaindho la’aanta ah oo ay u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

    Waa nasiib darro in maanta shaqsigaan iyo kuwo la mid ah ay weli idaacadaha ka hadlayaan, kuna faraxsan yihin xasuuqa ay u geysteen beri mageydada iyo (shacabka Soomaaliyeed ) oo aan waxba galabsan.

    Dowladda Federaalka, waa iney hurdadda ka toosta si buuxdana u damanad qaado/kafaalo qaatowelina aysan jirin cid la xisaabtanto dunuubta iyo Dambiyadda ay kagalayaan shacabka Soomaaliyeed !!!

    Haddii kale shacabka Soomaaliyeed Waxay u fahmayaan inaan Meesha Dowladnimo oolin, Waxa meesha yaalana ay tahay waqti dhumis ( MAAWEELO IYO MADADAAL, Mugdina ay weli ku jirto Maqaamkii Dowladnimo, mar haddii aysan jirin kala dambeyn buuxdo iyo hanaan sugi kara shacabka Nabadgelyadiisa).

    Soomaaliya cidna uma maqna ceelna uma qodna !!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here