Qaraxyo Waaweyn ayaa saaka Aruurtii lagu qaaday Xaruuntii Gaalkacyo uu ku lahaa Shiikh Cali Cilmi yare.
Sida wararka mudug24 heleyso ay muujinayaan waxaa gudaha Xaruunta Galay rag hubeysan kadib marka uu qarxay qaraxa waxana la maqlay ku dhawaad 3 Qarax oo xoogan.
Wararka kale ee kasoo baxaya Qaraxa ayaa sheegaya in Shiikha qudhiisa uu ku dhuntay Weerarka inkastoo wali aanan Xaqiijin madama uu Qaraxa dhacay goor dhow.
Wariye ka tirsan Mudug24 oo ku sugan goobta weerarka uu ka dhacay ayaa sheegaya in rasaas xoogan laga maqlayo gudaha xaruunta taasi oo muujineysa in raga wali ay goobta ku jiraan.
Wareysiga iyo Xaalada la soco
Mudug24 Gaalkacyo