Home galmudug War Hada ah Kooxda Shabaab oo Sheegatay Qaraxyada Gaalkacyo in ay ku...

War Hada ah Kooxda Shabaab oo Sheegatay Qaraxyada Gaalkacyo in ay ku Dileen Cabduwali Shiikh Cali Cilmi Yare.

0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee saakay lagu qaaday Xarunta uu duleedka Koonfureed ee Magalada Gaalkacyo uu ku lahaa Cabduweli Sheekh Cilmi Yare oo aad looga yaqanay Magalada Gaalkayco.

Weerarka oo ahaa mid qaraxyo ku bilaawday ayaa sidoo kale waxaa jira rag hubeysan oo gudaha u galay Xarunta,waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas,waxaana ay sheegeen inay ku dileen Nin sheegtay Nabanimo,isla markana u gefay Nabigeena Muxamed NNKH.

Cabduweli Cilmi Yare ayaa Caanka ahaa Gobolka Mudug iyo Guud ahaan Soomaaliya,waxaana uu horay u soo duubay muuqaalo uu qaarkood ugu gefay Nabigeena Muxamed NNKH.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Magalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in weli Gudaha Xarunta laga maqlayo rasaas,waxana la sheegayaa in qeyb ka mid ah Xarunta ay ku sugan yihiin raggii weeraray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here