Home Wararka Somaliya Cida amartay Amarka lagu dilay Wariye Jamaal Khaashuqji oo la shaaciyay

Cida amartay Amarka lagu dilay Wariye Jamaal Khaashuqji oo la shaaciyay

0

Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka.

Khaashuqji ayaa waxaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga.

Ad
Previous articleJubbaland oo war kasoo saartay Mowqifkeeda ku aadan Heshiiska Dowlada iyo Mucaaradka
Next articleKiisaska Caabuqa COVID-19 oo sare u kacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here