Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Deegaano Cusub oo Ka Tirsan Galmudug kala Wareegay Alshabaab

Ciidamada Dowlada oo Deegaano Cusub oo Ka Tirsan Galmudug kala Wareegay Alshabaab

0

Wararka naga soo Gaaraya Gobalka Valgaduud ayaa Sheegaaya kadib Dagaal iyo Duqaymo Culus oo lagu Qaaday Alshabaab in Ciidamada Deegaanka iyo kuwa Gorgor oo u hugaaminaayo Taliye Abdulahi Hassan Ali (Joowle) ayaa sakaay ka ruqaansaday Degmada Galcad ayaa Goordhow la wareegay Baraagta Sheikh Amir iyo deeganada hoos yimaado.

Dhanka kale Ciidamadii Maalmihii lasoo Dhaafay ku sugnaay Hilowle Gaab qayb kamida oo uu hugaaminaayo Taliye Shaah macabe ayaa eyagana Goordhow  la wareegay Ceelheele iyo tuulooyinka ku teedsan.

Dhanka kale  Ciidamo uu hugaaminaayo Korneyl Cumar Macalin Nuur ayaa ayagana hadda gacanta ku haayo Mowliidka ilaa Dharaarwayn.

Dhulkaan Alshabaab Goordhow Laga Qabsaday ayaa ku soo aadaaya Xili Ciidamo Ka Tirsanaa Alshabaab  saakay ayaa lagu laayay duqayn xagga cirka ah.

Saraakiisha Amaanka ayaa Arinkaan Ku tilmaamay Inay doonaayaan inay Isku Furaan Wadooyinka Xariiriya Masagawaa iyo Degmada Galcad oo Alshabaab kala Jareen.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Alshabaab abaabulaayay Dagaal oo La laayay iyo Dowlada oo war kasoo saaratay
Next articleWariye Bushaaro Baandey oo xukun lagu riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here