Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay Ciraaq oo 35 Qof ku dhimatay goor dhow

Qarax ka dhacay Ciraaq oo 35 Qof ku dhimatay goor dhow

0

Weerar bambaano oo lagu qaaday suuq mashquul badan oo ku yaalla magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa lagu laayey ugu yaraan 35 qof halka tobaneeyo kalena lagu dhaawacay.

Sida ay sheegeen ila wareedyo dhanka amniga ah qaraxa ayaa ka dhacay suuqa ku yaal waqooyiga magaalada Sadr, xilli qoysasku isu diyaarinayeen ciidda Ciidul Adxa oo maanta ku beegan.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Baqdaad muddo lix bilood ah.

Kooxda dowladda Islaamka ee Daacish  ayaa sheegatay mas’uuliyadda, waxayna sheegeen in mid ka mid ah xubnahooda uu qarxiyay jaakad lagu rakibay walxaha qarxa.

Ad
Previous articleSidee Maanta looga ciiday Caasimada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Somaliya
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Shacabka ugu Hambalyeeyay Munaasabada Ciida Lana dukaday (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here