Home Wararka Caalamka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saartay Xaalada Cakiran ee Dalka.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saartay Xaalada Cakiran ee Dalka.

0

Kadib kulan ay Maanta ku yeesheen  Muqdisho Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay kaga hadleen Shirka Dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada & Maamulka Gobolka Banaadir uga socdo Magaalada Muqdisho.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa kulankooda waxaa ay kasoo saareen Bayaan ay ku taageerayaan shirka, iyaga oo sidoo kale baaq iyo talooyin kala duwan u jeediyay hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Hoos ka Akhriso Nuxurka Bayaanka ay soo saareen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

1: Waxaay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto.

2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan.

3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa.

4: Waxaay ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed Midnimo, waxaana u mahad celinayaan cid kasta oo gacan ka geeysatay hirgelinta iyo qabsoomida Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xubnaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa dalbaday in shirkaasi la taageero laguna dadaalo sidii uu u guuleysan lahaa.

Ad
Previous articleHogaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo Qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada oo xalay shir gaar ah
Next articleFaah Faahin ku saabsan Dagaal Maanta ka dhacay Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here