Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo Ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo Ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya

0

Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa shaaciyay inuu yahay murashax madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Somalia, isagoo sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu ku guuleysto xilkaasi.

Xaaf ayaa sheegay in murashaxnimadiisa ay soo daahday, wuxuuna intaa raaciyay in markii uu arkay diintii oo noqotay firqooyin iyo in siyaasaddii ay noqotay mid lagu daneysto oo aan shacabka loogu daneyn, sidaas darteed wuxuu alle ka codsaday inuu u fududeeyo xilka uu doonayo.

Wuxuu Xaaf balan qaaday in dalka, diinta iyo dadka si daacad ah ugu shaqeeyo, isla markaana diinta uu mideyn doono iyo in qabiilka dadka ka saari doono ummadda Soomaaliyeedna uu mideyn doono.

Mudane Xaaf ayaa waxyaabaha uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah in amniga dalka uu wax badan ka qabann doono haddii uu ku guuleysto xilka, sidoo kalena uu meesha ka saari doono jiritaanka kooxda Al-Shabaab.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo soo noqday madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa buuq siyaasadeed oo ugu yimid Villa Somalia isu casilay.

Ad
Previous articleMashruuc lagu Dhisaayo Dekada Hobyo oo laga Daahfuray Magalaadaas(Sawiro)
Next articleDegaanada Galmudug oo Roobob Xoog Leh Ka Da’een

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here