Home Wararka Maanta Wiil Soomaali ah oo lagu dilay xaafada Delft iyo faahfaahino ka soo...

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay xaafada Delft iyo faahfaahino ka soo baxaya

0

Wiil Soomaali ah ayaa la soo sheegayaa in goor dhow lagu dilay magaalada Cape ee dalka Koonfur Afrika

Allah u naxariistee Cabdiraxman Sheikh Ali oo kamid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata gawaarida qaada adeegyda Delivery isla markaane rooti ku wareejiyo Cape  town ayaa lagu dilay xaafada Delft.

Sida aan warka ku helnay dabley hubeysan ayaa toogatay muwaadinka Soomaaliyeed xili uu rootiga ku wareejinayay bartamaha xaafada Delf lamana oga ujeedada ka dambeysa dilkiisa.

Ciidamada booliska oo gaaray goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa haatan wado baaritaan iyo baadi goob ay ugu jiraan dableyda dilka geystay oo aan lagu guuleysan in la qabto.

Soomaalida iyo ajaanibta kale ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa had iyo jeer la kulma weeraro iskugu jira dil iyo dhac joogto ah oo ay u geystaan burcad hubeysan oo dalkaas u dhalatay.

 

 

Ad
Previous articleTirada Al-Shabaab looga dilay kacdoonka Macislayda oo la Shaaciyay
Next articleCiidmada Macawislayda Gobalka hiiraan oo Xalay Degaano Cusub Alshabaab kasaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here