Home Wararka Maanta Maraykanka oo War kasoo Saaray Duqaymo uu Ka Fuliyay Galmudug

Maraykanka oo War kasoo Saaray Duqaymo uu Ka Fuliyay Galmudug

0

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay inay 12 ka tirsan maleeshiyada argagexesada Al-shabaab ku dileen weerar dhinaca cirka ay oo ay Jimcihii ka fuliyeen deegaanno ka tirsan degmada Hobyo, sida lagu sheegay warsaxaafdeed kasoo baxay taliska.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dambeeyay codsi uga yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid iyaga oo taageeraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wada howlgalka ka dhanka ah haraadiga maleeshiyada argagexesada alshabaab Al-shabaab.

Taliska ayaa sheegay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeyntan oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Hobyo.

Ad
Previous article7 Askari oo ka Tirsan Milateriga oo Lagu Xukumay Dil Toogasha ah Fulaynimo Darteed
Next articleWararkii ugu dambeeyey tirada Soomaalida ku dhimatay dhul-gariirka Turkey oo korortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here