Home galmudug Faafaahin Israsaaseyn ka dhacday Magaalada Hobyo oo Askari Galmudug ah lagu dilay.

Faafaahin Israsaaseyn ka dhacday Magaalada Hobyo oo Askari Galmudug ah lagu dilay.

0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya Degmada Hobyo ee gobolka mudug ayaa sheegaya in israsaaseyn kooban ay gudaha magaalada Hobyo Ku dhex martay ciidamada Booliska galmudug qeybtooda Degmada Hobyo iyo dabley hubeysan.

Israsaaseynta ayaa sababtay dhimashada Askari ka tirsanaa Booliska galmudug oo xiligaasi waday hawl gallo ay Ku xaqiijinayaan Amniga Hobyo iyo deegaanada hoos taga oo ka tirsan deegaanada uu ka arimiyo Maamulka galmudug.

Saraakiil ka tirsan taliska policeka Hobyo oo aan la hadalnay ayaa xaqiijiyay isku dhaca ciidamada iyo dableyda hubeysan walow ay ka gaabsadeen faah-faahin dheeraad ah iney Bixiyan

Mudug24 Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here