Home galmudug Dhageyso Dhibaato Soo wajahday Dadka Ku Nool Deegaanka Daaru-salaam ee Gobalka Mudug

Dhageyso Dhibaato Soo wajahday Dadka Ku Nool Deegaanka Daaru-salaam ee Gobalka Mudug

0

Guddoomiyaha Deegaanka Daaru-salaam Ee Gobolka Mudug Xasan Macalin Cali oo Ka  Warbixiyay Xaaladda Guud Ee Deegaanka Ayaa Sheegay In hadda Deegaanka Ay Ka Taagan Tahay Abaar Saameyn Ku Yeelatay Dadka Deegaanka.

Guddoomiyaha Waxa Uu Xusay In Abaartu Ay Sababtay Biyo La’aan Baahsan Oo Ka Jirta Deegaanka Taas Oo Dadka Deegaanka Ku Qasabtay In Ay isaga Barakaan Deegaanka Daaru-Salaam.

Xasan Macalin Cali Guddoomiyaha Deegaanka Daaru-Salaam Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Sheegay In Dadka Ka Barakacay Deegaanka Ay Gaarayaan Ilaa 90 Qoys Oo Ka Mid Aha Dadka Deegaanka.

Waxa Uu Tilmaamay In Dadkaan Ay Aadeen Deegaano Qiyaastii 100 Km Dhinaca Waqooyi Kaga Beegan Deegaanka Daaru-Salaam Ee Gobolka Mudug.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Deegaankaas Ayaa Carrabka Ku Dhuftay In Meesha Ugu Dhaw Oo Ay Biyaha Ka Helaan Ay Tahay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Waxa Uuna Tilmaamay In Booyada Biyaha Ay Ugu Timaado Qiimo Gaaraya 80 Dollare Taas Oo Inta Badan Aysan Awoodin Dadka Deegaanka.

Gal-mudug Ayuu Tilmaamay In Aysan Waxba Ka Qaban Biyo La’aanta Ka Jirta Deegaanka Isagoo Ku Xusay In Ay Cabashadooda U Gudbiyeen Sanadkii Hore 2017 Illaa Iyo Haddana Aysan Jirin Jawaab Ay ka Heleen.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here