Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Safiirkii Itoobiya oo Fadhiyay Soomaaliya oo Dalka laga...

War Deg Deg ah: Safiirkii Itoobiya oo Fadhiyay Soomaaliya oo Dalka laga Cayriyay

0

Kadib Shir Shalay ka dhacay Magaalada Adisababa ee Caasimada Dalka itoobiya kaas oo u dhaxeeyey Maamulka Puntland iyo Dowlada Itoobiya kuwaas oo yeeshay Xariir  Toos ah taas oo  ka caraysiisayay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

ayaa Shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha wasiirada Soomaaliya Waxaa lagu Go,aamiyay  in la xiro Qunsulyadihii Itoobiya ee Garowe iyo Hargaysa Sidoo kale Golaha wasiirada ayaa Qaarar Rasmi ah kusoo Saaray in Dalka laga Cayriyo Safiirka Itoobiya u Fadhiya Soomaaliya.

Talabadaan ayaa Kusoo aadaysa Xili Bilowgii Sanadkaan uu khilaaf Xoogan Ka dhex Qarxay itooobiya iyo Soomaaliya Kadib Markii Xariir Xaga Bada ah ay la yeesheen maamulka Soomaaliland kaas oo dowlada Soomaaliya ka Carootay ugu Danbayna Sababay in amaanka Badda Soomaaliya Lagu Wareejiyo Dowlada Turkiga.

Maamulka Puntland oo Khilaaf adag kala Dhaxeeyey Dowlada Soomaaliya ayaa Go,aansaday inuu Xariir Toos ah la samaysto Dowlada Itoobiya waana Talaabada Maantay Soo dadajisay in La cayriyo Safiikii Itoobiya u Fadhiyay Soomaaliya.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Mahad Salaad oo Xilka Laga Qaaday iyo Sanbaloolshe oo la Magacaabay
Next articleMahada Salaad oo Ee maantay Xilka Laga Qaaday Xagew ayuu ku Wajahan yahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here