Home Wararka Somaliya Puntland Wasiirka Arimaha Dibeda ee UAE oo qoraal af Soomaali ah soo dhigay...

Wasiirka Arimaha Dibeda ee UAE oo qoraal af Soomaali ah soo dhigay bartiisa Twitterka, kana hadlay Qarxixii Zoobe

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Abdalla Bin Zayed ayaa bartiisa Twitterka ku daabacay qoraal Afsoomaali ah oo uu ku cambaareeyay qaraxyadii dadka faraha badan ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay Muqdisho.

“Waxan cambaareynayaa qaraxyadii argagixisada ahaa ee lala beegsaday Muqdisho. Waxan tacsi u dirayaa qoysaska dhibanayasha, intii ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah” ayuu qoraalkisa ku yiri wasiirka

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Wasiirku sheegay in Imaaraadka Carabta ay garab taagan tahay dowlada iy shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan Dowladda & Shacabka Soomaliyeed ku garab taagannahay ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah amnigooda” ayuu qoraalkiisa ku soo gebagebeeyey Wasiirka.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa xiriir wanaagsan la leh Madaxweyne Xassan Shiikh iyo dowladiisa, inkastoo imaaraadka hoos u dhigay xiriirkii kala dhexeeyey dowladii ka horeysay ee Farmaajo oo intii ay xilka heysay uu heerkii ugu hooseeyey gaaray macaamilka labada dal

Dad ka badan 120 qof oo dhimasho ah iyo 324 qof oo dhaawac ah ayaa illaa hadda laga diiwaan geliyey qaraxyadii 29kii bishan ka dhacay nawaaxiga isgoyska Soobe, iyadoo ilaa hadda nolol iyo geeri lagu weysay yahay 10 qof, Al shabaab ayaana masuuliyada qaraxyadaas.

Ad
Previous articleVilla Somalia oo shaacisay mowqif ku aadan beegsiga qoysaska kooxda Al-Shabaab xili shalay wiilal Alshabaab dhaleen Si xun loo dilay
Next articleC/llaahi Cali Aadan oo Galmudug Dad Badan kusoo Dilay oo maantay la Toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here