Home Wararka Somaliya Muqdisho oo looga shiray Xareynta Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka

Muqdisho oo looga shiray Xareynta Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Golaha Shacabka

0

Magaalada Muqdisho waxaa sadexdii maalin ee lasoo dhaafay ka socday shir ay lahaayeen Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo guddiga Doorashada Heer Dowlad goboleed , shirkan ayaana looga arinsanayay dhameestirka doorashada.

Guddiga Doorashada Heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkooda diirada ku saaray sidii loo guda gali lahaa doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose gaar ahaan xareynta ergada Dooraneysa Xildhibaanada.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Heer federaal ayaana kula dar daarmay xubnha kale ee guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed in ay u diyara garoobaan qabashada doorashada Aqalka Hoose iyo xareynta ergada dooraneysa Xildhibaanada.

oorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa hada mareysa heer gabo gabo ah, waxaana wali muuqan diyaar garow ku aadan qabashada doorashada Aqalka Hoose oo ugu horeyso in marka hore la xareeyo Odayaasha iyo Ergada Xildhibaanada dooraranaya.

Ad
Previous articleMadaxweynihii hore ee Mareykanka oo la dhigay Isbitaalka goor dhow
Next articleWararka ugu Danbeeyay Xiisada Dagaal ee ka jirta Magaalada Guriceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here