Home wararka Dalka Dhawaacyadii Lageeyay Isbitaalada Muqdisho oo Gaaraya 100 ruux ka dib Qaraxyadii

Dhawaacyadii Lageeyay Isbitaalada Muqdisho oo Gaaraya 100 ruux ka dib Qaraxyadii

1
SHARE

Waxaa korortay tirada dadkaii ku dhaawacmay 3dii qarax ee galabta ka dhacday Hotel Saxafi.
Tirada dhaawacyada ayaa hadda gaartay 106 dhaawac ah waxaana la dhigay Isbitaada.

Dhaawacyada ayaa la Geeyay Dhowr isbitaal waxaana ay Kala yihiin.

1 Digfeer 42 dhaawac ah
2 Daauru shifaa 26 dhaawac ah.
3 Madiina 24 dhawac
4 Mogdisho city 1 dhawac
5 Shaafi 2 dhawac
6 Somali sudanes 11 dhawac

Lixdaan isbitaal Ayaa La kala Geeyay Dhaawacyada Dadkii wax Ku noqday qaraxyadii ka dhacay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho

1 COMMENT

  1. Waa nasiib darro dhibaatadda ku dhacdey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer muqidsho. Muqidsho waa caasimaddi umadda Soomaaliyeed, Muqdisho waa maqaankii iyo madaxii ay Soomaliya ka dhaqaaqli ahayd… Markii la arkey in Muqdisho maqaamkeedii soo ceshatey, meel sarana ay mareyso, ma waxa uusan cadowga umadda soomaliyeed murugoonin, farahana u qaniinin, iyadoo ay u dheer tahay fajac iyo wax aan laga faaloon karin Runtii !!!

    Waxaa muuqato in Caasimadda muqdisho lagu soo qaatay qandaraas… Qandaraaskaasi oo ah QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN.. Soomalidda waxay dhahdaa mar i dago Alla i dagey, mar labaad i dageyna anaa is dagay.. Qalad mar waa dhici karaa, laakiin inuu soo noq noqdo ayaa ceeb ah sababtoo ah, dhacada koowaad ayaa lagu ogaan karaa SARTA MEESHA AY QURUNTAY ama CIDDA KA DAMBEYSA SIDA TOOSKA AHAN UGU LUGTA LEH FALALKAASI FOOSHA XUN LEH, ISKU SOO WADA DUUBOO WAXAY AHAYD IN LAGA FAL GALO SIDII LAGU XAKAMEYN LAHAA, LAGULANA XISAABTAMI LAHA… GOD KASTA OO AY ARGAGIXISADDA KU DHUUMAALEYSANEYSANA SIDII GOR GOR KII INTA KORKA LOOGA SOO DEGO, GODKA AY KU JIRAAN LOO GALA SOO BIXI LAHAA…

    Arintaan waxay ila tahay iney aragagixisadda * naf la caariyasha * al- shabaab ka weyn tahay, waxaa suuro gal ah iney jiraan Hay’addo iyo Dowladdo shisheeye, kuwaasi oo daaha hostiisa ka hagaayo “xasuuqa Shacab” ee ka dhaca magaaladda Muqdisho, dhagar qabayaashana ay yihiin, kuwo iyagu shaar-koodda la gashto, magacayoodduna la isticmaalo,..SI HOWSHA U SII SOCOTO, LOONA OGAAN CIDDA KA DAMBEYSA ARINKAASI.. waa suuro gal, marar badana way dhacdaa kuwo iyaga ka mid ah ” sharwadayaasha” in la isticmaalo, farta loogu fiiqo, iyagoo faham qaldan la siiyay, si ay u fuliyan falal argagixiso iyo wax fajac ku noqda umadda Soomaliyeed…Dhagar qabayaasha maahan waxaan ka ahayn, Waddo loo maro in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed, kuwo fududeeyo dhicidda fowdo iyo falal “Argagixiso”.

    Dowladda waa iney QAADO TILAABO KASTA OO ADAG, lana xisaabtantaa ciddii ka dambeysay dhibaatadda meeshaasi ka dhacdey ( Saxafi iyo CID-da). ARINTU yaysan ku ekaan ama noqon oo keliyah in dhambaal tacsi ah hawadda loo mariyo dhibanayaasha iyo qoysaskii ay waxyeeladda soo gaartey Qaraxyadaasi. Balse ay helaan CADAALADDA IYO GARAB ISTAAG

    Ciladda heysata nidaamka hadda ka jiro “Dowladda” iyo dowladihii kale ee isaga dambeeyey xukunka dalka, dhacdooyinkani oo kale markii ah dhacaan ” waxaa un hawadda laga maqlaa dowladda oo dhambaal tacsi ah direysa, balse aysan jirin XAKAMEYN IYO LA XISAAB TAMID CIDDA KA DAMBEYSA FAL-DAMBIYEEDKAASI IYO DHIBAATADDA MEESHA KA DHACDEY.

    SHACABKA uma baahno dhambaal tacsi ah ” intii dhimatey alle ha u naxariisto, intii dhaawacanteyna alle ha bugsiiyo/ Alle caafimaad deg deg ha siiyo”

    inkastoo ay wanagsan tahay in dhambaal tacsi ah hawadda la mariyo, balse Waa inuu la socdaa ama uu jira FICIL IYO FAL CELIN DHAB AH OO KU QOTOMA KUWA FIKRADAHA QALDAN LAGU SHUBTEY, FUDUDEEYEYNA IN FALKAASI FOOSHA XUN LEH UU DHACO..

    Waa iney jirtaa ama la bilaabo( Qorshe) iyo baaritaan sax ah, baaritaankaasi oo lagu baadi goobaayo, laguna baaraayo cid allaale iyo cidii ka dambeysay, CIDKASTA oo ku lug lahayd dhac-dadaashi foosha xun leh. kadibna sharciga loo dhaadhicyo ama la marsiiyo, laguna qaado Wixii xukunka ah oo ay muteystaan “dhagar qabayaasha” ” sharwadayaasha” ” Wax-magaratadda” ” Dhil-qaha”.. caadeystay daadinta Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.

    Waa muhiim in wada shaqeyn buuxdo ay dhex marto Ha’aydaha dowladda, gaar ahan laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, si XIDIDADA LOOGU SIIBO dhagar-qabayaash. ama ( Geed yahuudka lagu beeray dalka… al-shabaab, kaasi oo aan wax dhib ah maahaneyn dheef ah lahayn )

    Talaabooynka muhiimka ah in la qaado, kadib dhacdadaaasi foosha xun leh :-

    1. Waa iney ciidanka Gaar ahaan 14-ka octobar ( Gor-gor, Alpha, Danab.. imw ) ay bilaabaan baaritaan iyo boocsasho ah.. baadi goobidda cidda ka dambeysa, soona abaabusha Qaraxyadda ka dhaca Muqdisho. howshowuduna hadda wixii ka dambeeyo ay noqoto iney habeen iyo maalinba u istaagaan baadi-goobidda cidda ka dambeysa, soona abaabusha Qaraxyaddaka dhaca dalka.

    2. Sidoo kale, Waa in Baarlamaanka Soomaaliya meel mariyo shariciga la dagaalanka Argagixisadda, sharcigaani dalka waa u baahan yahay, waxaana uu ka caawinayaa, in fal dambiyeed kasta oo ka dhaca dalka uusan noqon MID MEESHA LOOGA HARO ama si sahlan oo fudud lagu hilmaamo. dhacdo iyo fal-damibiyeed kasta oo dhacana, meesha kama baxaayo iyadoo aan lahayn cida ka dambeysa, sharicnaga la horkeenin… sharcigaasi waxa uu kaloo dalka ka caawinayaa Cidii lagu helo falal argagixiso ama reerkii la ogaado iney argagixisadda siiyaan dugaal ( Cunto iyo Hooyo, fududeeyaana qorshahoodda guracan ), in cidaasi Guriga si fudud loo gala wareego “BILAA SHARUUD”, NEBIGA SCW. WAXA UU YIRI GURI WAXAA UGU SHAR BADAN MIDA LAGA SOO ABAABULO WAXYEELADDA DADKA/SHACABKA.. cida ku nool gurigaasi sida ay u wada dhan yihiin haddiiba loo naxariisto waxay mudan yihiin, kadib guriga markii la gala wareego in la marsiiyo sharciga la isuguna daro GANAAX IYO XABSI wada socdo.

    Nabadda ayaa naas la nuugo leh..! Soomaaliya oo Nabadd ah, Shacabkeeduna, sida ay u dhan yihiin ay ku wada naaloonayaan neecaaw macaan oo Nabadeed iyo naruuro fiican oo Nafta deeqda – Illaahay Idankiis –

    W/T

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here