Home Wararka Maanta Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo racfaan ka qaatay xukunnadii masuuliyiintii dowladeed...

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo racfaan ka qaatay xukunnadii masuuliyiintii dowladeed ee loo haystay musuq-maasuqa Xili kuwii la Fasaxay Wali Xabsiyada lagu Haayo

0

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii masuuliyiintii dowladeed ee loo haystay musuq-maasuqa, kaasi oo dhawaan ay soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir.

Xeer Ilaalinta ayaa shaaciyay in uu si hordhac ah u dhameystiray habraaca racfaan qaadashadiisa ee uu ka qaatay xukunnaddaasi, sida uu ku yiri bayaan Xeer Ilaalinta kasoo baxay maanta.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu Racfaan waafaqsan qoddobada 210, 212, 213 216 227 XHCS, MGB/D-DL/10442023, MGB/DDL/938/2023, kuna taariikhaysan 28/09/2023, kana soo baxay maxkamadda gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaalinta Qaranka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Xeer Ilaalinta aysan ku qancin xukunadda maxkamadda ka gaartay masuuliyiinta dowladeed ee uu horay xafiiska ugu soo eedeeyay xatooyo dadweyne.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maalmo kahor xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo loo haystay masuq-maasuq, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada Muqdisho.

Raggan oo isugu jiro agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka.

Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa ku dhowaaqay xukunka lagu ridday raggan, ayada oo qaarkood lagu waayay dambiga lagu soo eedeeyay.

Mas’uuliyiinta dib loogu celiyay xoriyadooda ayaa waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashoo hore ee wasaaradda shaqada.

Ad
Previous articleDowlada Turkiga oo War kasoo Saartay Weerarkii lagu Qaaday Baarlamaanka Turkiga
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo ka Hadlay Qarixii ka dhacay Turkiga Xili uu ka aamusay kii Ka dhacay Dhuusamareeb oo uu ku suganyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here