Home galmudug Golaha iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo La Filayo in Shir Deg Deg ah...

Golaha iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo La Filayo in Shir Deg Deg ah ay Ka yeeshaan,,,,

0
SHARE
Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah xubnaha Golaha iskaashiga Maamul gobaleedyadda ay ka arinsan doonaan xubno muhiim ah oo ay waayeen Golaha, islamarkaana ay iscasileen.
 
Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay war ka soo saaraan iscasilaada ay ku dhawaaqeen Madaweynihii Koofur Galbeed iyo Afhayeenkii Golaha iskaashiga Dowlad Gobaleedyada.
 
Sidoo kale Madaxda ayaa Go’aamin doono waxa ay ka yeelayaan masuuliyiinta ay waayeen xubnaha Golaha iskaashiga ee Dowlad Gobaleedyada ka jira dalka.
 
Lama oga in madaxda dowlad Gobaleedyadda ay kulmi doonaan iyo in kale, waxaase la ogeyn Go’aanka ka soo bixi doono maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here