Home Wararka Somaliya Galmudug Kulan Lagu Taageerayay Ra’isul Wasaare Rooble oo Galkacyo Lagu qabtay (Sawiro)

Kulan Lagu Taageerayay Ra’isul Wasaare Rooble oo Galkacyo Lagu qabtay (Sawiro)

0

Kulan lagu Tageerayay Ra’iisul Wasaaraha Xil gaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Lagu qabtay Galkacyo.

Kulankaan Ayaa ku saabsanaa Taageerada Rooble iyo Sida uu u Hagayo arimaha Doorashooyinka dalka.

Shirka waxaa k qeybgalay Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Mudug, kaas oo dhanka kale looga soo horjeeday isku daygii afgambi ee Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, Iyadoo Halku dhig looga dhigay shirkaan “Socon mayso waan boobaa ama waan Banadaa”.

Odoyaasha dhaqanka Gobolka mudug ayaa dhanka kale baaq u diray madaxweynaha Galmudug in uu caddeeyo Mowqifkiisa ku aadan Dhacdooyinka ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Dhaqanka gobolka Mudug ayaa soo saaray war-murtiyeed ku aadan marxaladda Dalka.

Ad
Previous articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo asna Soo Gaaray Magaalada Muqdisho
Next articleXarun lagu Dhaqan Celinaayo Alshabaab oo laga Furay Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here