Home galmudug Dhageyso Kulan Looga Hadlayay is dhaxgalka Bulshada oo Lagu Qabtay Galkacyo

Dhageyso Kulan Looga Hadlayay is dhaxgalka Bulshada oo Lagu Qabtay Galkacyo

0
SHARE

Hay.adad UNHCR ayaa waxa ay magaalada Gaalkacyo ku qabatay kulan lagu xoojinayo is dhaxgalka dadka deegaanka iyo dadka kale ee qaxootiga ah magangalyadana u soo raadsaday Galkacayo, kuwaas oo ku nool kana ganacsada Gobalada kala duwan ee Puntland gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo

kualankA ayaa waxaa ka qayb galay Maamulka Gobalka, Saraakiisha Booliska, gudoomiyayaasha Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo iyo qaar ka mid Ah dadka Qoxootiga ku ah  puntland Gaar Ahaana Magaalada Gaalkacyo si loo xoojiyo is dhaxgalka dadka degaanka iyo dadka qaxootiga ah ee ku nool gobalka mudug

ugu horeyn waxaa kulankaasi ka hadlay qaar kamid ah gudoomiyayaasha Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo Waxa Ayna Sheegeen in dadkaasi ay kamid yhiin dadka dagan degaanka cid ku xadgudbi kartana aysan jirin waxa ay balan qaadeen in ay ka Hortagi doonaan waxa kasta ay u awoodaan

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Gaaklacyo ayaa dhankooda ka hadlay sida ay ula shaqeeyaan dadkaasi iyo kiisaska ku saabsan ay xiliyeen  Waxa Ay Sidoo kale Tilmaameen in dowlada aysan aqbalidoonin in wax dhibaato ah lagaarsiiyo dadka qaxootiga ah ee ku nool Magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here