Home galmudug Afhayeenka Golaha iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo Is casilay Ogaaw Sababta

Afhayeenka Golaha iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo Is casilay Ogaaw Sababta

0
SHARE

Waxaa sii kordhaya isbedelada ku imanaya siyaasada dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya waxaana goor dhow ku dhowaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Wasiirkii Dastuurka Koofurgalbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa is casilaadiisa ku tilmaamay inay timid kadib markii Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan uu iska casilay madaxtinimada Maamul Goboleedka Koofurgalbeed isla markaana ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada koonfur galbeed.
Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa dhowaan kulan lagu qabtay magaalada Garowe waxaa loogu magacaabay afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo markii hore lagu aasaasay shan Madaxweyne Maamul Goboleed ayaa waxaa haatan ku soo haray saddex Madaxweyne Maamul Goboleed kadib markii uu Madaxweynihii Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu heshiis la galay Dowlada Federalka halka uu maantana is casilay Madaxweynihii Maamul goboleedka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here