radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Shirka Wasiirada amniga Dowlad Goboleedyada Oo Kismaayo Ka Furmay Goor dhaw {Sawiro}

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa furay shirka Wasiirada amniga Dowlad Goboleedyada oo ay ka qayb galayaan Taliyayaasha Hay’ada nabadsugida Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in ay Wasiiradu qiimayn ku samayn doonan xaalada amni kadibna ay go’aamo ka gaari doonan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada isku dhafka ah.

Kaalintan ayuu Madaxweynahu sheegay in ay lahayd Dowlada Federaalka ah balse ayna kasoo dhalaalin taas badalkeedana ay ku mashquushay burburka dalka iyo carqaladayn joogto ah wuxuu sheegay Madaxweynahu in ay dardar galin doonan iskaashi buuxa oo dhinaca amaanka ah isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland wuxuu intaas ku daray in Dowlad Goboleedyada hadba sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dhinaca amniga howlgalada loo qaybsan doono isla markana la cirib tiri doono Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay in awood ahaan ay hoos u dheceen balse ay wali yihiin caqabad jirta oo xal u baahan ayna tahay in si wadajir ah loola dagaalamo.

Dib u heshiisinta dalka iyo xaaladahii ka taagna Gaalkacyo ayuu sheegay in ay yihiin tusaalaha sida ay muhiimka u tahay in wax walba jawi dagan lagu xaliyo isagoo xusay in dhismhii galmudug iyo isku keenida Ahlusuna iyo Maamulka ay tahay shaqo in la amaano mudan ee ayna ahayn in galmuddug dib loogu celiyo halkii ay ka timid isagoo ka digay faragalinta ay Dowlada Federaalku galmudug ku hayso.

Madaxweynahu wuxuu xusay in Dowlada Federaalka ah ay mashquul ku tahay burburinta wixii laso dhisayay mudo dheer iyo xasilooni daro dalka oo dhan ku baahda wuxuu sheegay in ay taasi bidhaamisay sida ay dabka uga shidayaan Koonfurgalbeed waxa halkaas kasocdana aan la aqbali karin.

“Puntland waxay jirtay mudo labatan sano ah waligeed doorasho ayaa ka dhici jirtay ma Dowlad Federaal ah ayaa qaban jirtay xiita doorashooyinka Federaalka ayaaba maalmo dib u dhici jiray sidaas oo kale ree Koonfur Galbeed waxaa ay u diyaar garoobeen doorasho bishan dhexdeeda dhacaysa ma garan karo sabab loogu duulo oo Xildhibaanadii Xamar loogu xanibo wakhti ay ahayd in ay shaqadooda qabsadaan” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha waxaa uu intaas ku daray in ay masuuliyiinta dalku aanay war ka ahayn wixii lasoo maray iyo halka uu wadanku ka yimid taasina ay daliil u tahay sida aan khasaaro ka baydhka lahayn ee ay xaaladaha soo wajaha u maaraynayaan oo khatar ku ah dalka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka Maanta oo Dhan

Dhageyso Magaalada Galkacyo oo ay Ka dhacday Dhacdo La Yaab leh oo Lagu soo Bad baadiyay Shimbir lugta Gashatay Koronto
- Jan 22, 2019
Magaalada Galkacyo ee Gobalka Mudug waxaa Ka dhacday Dhacdo Cajiib ah iyadoona Dadka Magaalada ...
Faah Faahin Qarax Muqdisho Loogu Geestay Dhaqtar Cadaan ah oo Ka Howlgelayay Goob Caafimaad
- Jan 22, 2019
  War dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu dhaawacay Dhaqaatiir ajaanib ah oo gelinkii ...
Dhageyso Shacabka ku Nool Deegaano Ka Tirsan Mudug oo Ka Cabanaya Ciidamada Puntland
- Jan 21, 2019
Qaar Ka mid ah Shacabka Ku Nool Deegaanada Bare ee Gobalka Mudug ayaa Ka ...
Dhageyso isbitaalka Degmada Bandiiradley oo Lagu Kordhiyay Qeyb Cusub oo Bukaan Jiif ah.
- Jan 21, 2019
Munaasabad Xariga looga jarayay Qeybo lagu kordhiyay isbitaalka Degmadda Bandiiradley ayaa lagu qabtay Degmadaas. Hirgalinta ...
Maydadka 4 Ruux oo Shacab ah ayaa lagu Arkay Duleedka Muqdisho
- Jan 21, 2019
Meydadka illaa afar ruux oo rag ahaa ayaa lagu arkay duleedka degmada Dayniile, kuwaasoo ...
Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo Nin Ajnabi ah ku Qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho
- Jan 21, 2019
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa  lagu qabtay nin ajnabi ah oo la sheegay in ...
Dhageyso Taariikhda Degmada Baxdo ee Gobalka Galgaduud.
- Jan 20, 2019
Degmada Baxdo ee gobalka Galgaduud ayaa Ka Mid ah Degmooyinkii Ugu Dambeeyay ee Si ...
Dhageyso Boliiska soomaaliyeed oo sheegay in ay dhib Ku Qabaan Sharciga Wadooyinka iyo gaadiilayda
- Jan 20, 2019
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabatay Kulan Ku saabsan Sharciga wadooyinka Dalka ...
Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn ay La Dhaceen Baar Sanguuni ee Jubbaland
- Jan 20, 2019
Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay duqeymihii shalay ka dhacay degaanka Baar-Saguuni waxaana ay ...
Dhageyso Madaxweyne Baasto Maamulka Galmudug Waxuu diyaar u yahay La Shaqeynta Maamulka Puntland
- Jan 20, 2019
Axmed Maxamuud Xasan Baastoo Oo Dhawaan Xildhibaano katirsan Galmudug ay sheegeen inay udoorteen Madaxweyne ...
Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Galaya Shir Caalami ah oo Ka dhacaya Dalka Bayruut (Akhriso)
- Jan 20, 2019
Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa qortay in Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo  ka mid yahay ...
Daawo Sawirada Weerarkii Maanta ka Dhacay Deegaanka baar sanguuni.
- Jan 19, 2019
Saaka Aroortii Ayaa Ciidamo Ka Tirsan Alshabaab Waxa ay Weerar Ku Qaadeen Fadhiisimo Ciidamada ...
Madaxweyne Xaaf oo Nairobi kula kulmay Diblomaasiyiin iyo Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya (Sawiro)
- Jan 19, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kulamo isdaba jooga kula yeeshay magaalada Nairobi madax iyo ...
Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay in ay Gacanta Ku soo Dhigeen Sarkaal Sare oo Shabaab ah
- Jan 19, 2019
War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay inay ...
Amaanka Magaalada Muqdisho oo Maanta aad Loo Adkeeyay” iyo Warar Ka soobaxay Caasimada
- Jan 19, 2019
Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho waxaana xilli dembe xalay lagu ...