Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo Booqday Xarunta xanaanada Caruurta agoonta ah ee Caabudwaaq (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug oo Booqday Xarunta xanaanada Caruurta agoonta ah ee Caabudwaaq (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa booqday xarunta agoonta ee degmada Caabudwaaq, waxaana ku wehlinayay madaxweyne ku xigeenka, wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowladda Galmudug.

Madaxweyhana ayaa indha-indheeyay qeybaha kala duwan ee ay xarunta ka koobantahay waxana uu kaga mahadceliyay dadkii isku howlay, isagoona xusay madaxweynuhu, muhiimada ay leedahay agoonta oo lacaawiyo iyo waxa ay inaga fartay diinteena suuban, sidoo kalana waxa uu balan qaaday madaxweynuhu, in dowladdu ay ka qeyb qaadan doonto dhismaha qeybaha dhiman.

Dhanka kale madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa dhagax dhigay qeyb cusub oo hoy iyo wax barasho u noqon doonta gabdhaha agoonta, iyadoona xarunta ay iskugu jirto goob wax barasho iyo mid jiifba.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Warbixin ka dhageystay Hay’adaha Amniga Dalka (Sawiro)
Next articleMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo ku wajahan Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here