Home galmudug Faafaahin Axmed Baasto iyo Xulafadiisa ku sugan Cadaado oo Cadaadis Xoogan saaran.

Faafaahin Axmed Baasto iyo Xulafadiisa ku sugan Cadaado oo Cadaadis Xoogan saaran.

0
SHARE

Axmed Baasto oo dhawaan magaalada Cadaado loogu doortay madaxweynaha Galmudug qaab fooda ah isla markana aysan bulshada Galmudug taageerin ayaa hada heesto hadaadis xoogan.

Axmed Baasto iyo xulafada ku sugan Cadaado ayaa lagu soo waramayaa in uu heesto cadaadis xoogan oo ku aadan in heshiis lagu dhameeyo khilaafka taagan iyo in ay meesha ka saaraan khilaafka ay hurinayaan.

Sida wararka mudug24 heleyso Dowlada Somaliya ayaa diiday in si toos ah u taageerto siyaasiyiinta halkasi ku sugan marka laga reebo taageero gooni ah.

Beesha caalamka ayaa dhanka kale madaxda halkaasi ku sugan ugu baaqday wada hadal iyadoo lagu eedeeyay dhibaatadii loo geestay gawaari Qaramada midoobe leedahay.

Shacabka Galmudug ayaa dhankooda aad uga soo horjeeda qaabka ay u dhaqmeen Siyaasiyiinta ku sugan halkasi waxana siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ay diideen in ay taageeraan Axmed Baasto iyo xulafada halkaasi ku sugan.

lama oga sida xaalada ay noqon karto xili Madaxweynaha Galmudu Axmed Ducaalle dhankiisa uu heesto cadaadis xoogan oo ku aadan khilaafka looga soo horjeedo maamulkiisa.

Sida xogta Mudug24 heleyso ay muujineyso waxaa la filayaa in kulamo kale oo gooni ah leeskugu yimaado iyadoo la doonayo in la xaliyo khilaafka.

Mudug24 Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here