radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Dalka Turkiga oo ku dhawaaqay Xog kale oo ku aadan Dilka Wariye Jamal Khashaqgi.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay hayso xog cusub oo ku saabsan dilka weriyaha Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, islamarkaana ay dadweynaha usoo bandhigi doonaan caddeymaha, kadib markii baaritaanka kiiskan lasoo geba gebeeyey.

Isaga oo ka hadlayey dalka Japan, oo uu safar ku joogo, ayaa Cavusoglu waxa uu weriyayaasha u sheegay in Turkiga ay Sacuudiga iyo dalalka kale ee danaynaya arrintan siiyeen fursad ay ku arkaan caddeymaha.

Khaashuqji ayaa geeriyooday labadii October kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Cavusoglu ayaa sheegay in kadib wada-hadallo dhowr ah oo dhex maray boqor Salmaan-ka Sacuudiga iyo madaxweynaha Turkiga Erdogan, in Turkiga uu rumeysan yahay in boqorka uusan wax lug ah ku lahayn dilka.

Hase yeeshee Cavusoglu ayaa yiri inay caddahay in 15-ka nin ee Turkiga u tagey inay dilka fuliyaan aysan kaligood sameeeyeen ficilkan, sidaas darteedna baarayaasha ay doonayaan inay ogaadaan qofka amarka siiyey.

Ilaa hadda lama hayo meydka Khaashuqji, waxaana wiilashiisa oo Axadii la hadlay taleefishinka CNN ay ka codsadeen Sacuudiga inay keenaan meydka, si loogu aaso magaalada barakeysan ee Medina.

Dhinaca kale sarkaal Turkish ah ayaa u sheegay wargeyska Daily Sabah ee Turkiga in khabiir kiimiko oo lagu magacaabo Ahmad Abdulaziz al-Janobi iyo khabiir qabailsan suntan, Khaled Yahya al-Zahrani ay Sacuudiga usoo direen qunsuliyadda intii u dhaxeysay 11-kii ilaa 17-kii October, si ay u qariyaan caddeymaha dilka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka Maanta oo Dhan

Dhageyso Magaalada Galkacyo oo ay Ka dhacday Dhacdo La Yaab leh oo Lagu soo Bad baadiyay Shimbir lugta Gashatay Koronto
- Jan 22, 2019
Magaalada Galkacyo ee Gobalka Mudug waxaa Ka dhacday Dhacdo Cajiib ah iyadoona Dadka Magaalada ...
Faah Faahin Qarax Muqdisho Loogu Geestay Dhaqtar Cadaan ah oo Ka Howlgelayay Goob Caafimaad
- Jan 22, 2019
  War dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu dhaawacay Dhaqaatiir ajaanib ah oo gelinkii ...
Dhageyso Shacabka ku Nool Deegaano Ka Tirsan Mudug oo Ka Cabanaya Ciidamada Puntland
- Jan 21, 2019
Qaar Ka mid ah Shacabka Ku Nool Deegaanada Bare ee Gobalka Mudug ayaa Ka ...
Dhageyso isbitaalka Degmada Bandiiradley oo Lagu Kordhiyay Qeyb Cusub oo Bukaan Jiif ah.
- Jan 21, 2019
Munaasabad Xariga looga jarayay Qeybo lagu kordhiyay isbitaalka Degmadda Bandiiradley ayaa lagu qabtay Degmadaas. Hirgalinta ...
Maydadka 4 Ruux oo Shacab ah ayaa lagu Arkay Duleedka Muqdisho
- Jan 21, 2019
Meydadka illaa afar ruux oo rag ahaa ayaa lagu arkay duleedka degmada Dayniile, kuwaasoo ...
Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo Nin Ajnabi ah ku Qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho
- Jan 21, 2019
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa  lagu qabtay nin ajnabi ah oo la sheegay in ...
Dhageyso Taariikhda Degmada Baxdo ee Gobalka Galgaduud.
- Jan 20, 2019
Degmada Baxdo ee gobalka Galgaduud ayaa Ka Mid ah Degmooyinkii Ugu Dambeeyay ee Si ...
Dhageyso Boliiska soomaaliyeed oo sheegay in ay dhib Ku Qabaan Sharciga Wadooyinka iyo gaadiilayda
- Jan 20, 2019
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabatay Kulan Ku saabsan Sharciga wadooyinka Dalka ...
Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn ay La Dhaceen Baar Sanguuni ee Jubbaland
- Jan 20, 2019
Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay duqeymihii shalay ka dhacay degaanka Baar-Saguuni waxaana ay ...
Dhageyso Madaxweyne Baasto Maamulka Galmudug Waxuu diyaar u yahay La Shaqeynta Maamulka Puntland
- Jan 20, 2019
Axmed Maxamuud Xasan Baastoo Oo Dhawaan Xildhibaano katirsan Galmudug ay sheegeen inay udoorteen Madaxweyne ...
Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Galaya Shir Caalami ah oo Ka dhacaya Dalka Bayruut (Akhriso)
- Jan 20, 2019
Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa qortay in Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo  ka mid yahay ...
Daawo Sawirada Weerarkii Maanta ka Dhacay Deegaanka baar sanguuni.
- Jan 19, 2019
Saaka Aroortii Ayaa Ciidamo Ka Tirsan Alshabaab Waxa ay Weerar Ku Qaadeen Fadhiisimo Ciidamada ...
Madaxweyne Xaaf oo Nairobi kula kulmay Diblomaasiyiin iyo Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya (Sawiro)
- Jan 19, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kulamo isdaba jooga kula yeeshay magaalada Nairobi madax iyo ...
Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay in ay Gacanta Ku soo Dhigeen Sarkaal Sare oo Shabaab ah
- Jan 19, 2019
War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay inay ...
Amaanka Magaalada Muqdisho oo Maanta aad Loo Adkeeyay” iyo Warar Ka soobaxay Caasimada
- Jan 19, 2019
Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho waxaana xilli dembe xalay lagu ...