Home Wararka Maanta Ciidamada Dowladda oo kala Eryay dad banaanbax ka dhan ah NISA dhigayay

Ciidamada Dowladda oo kala Eryay dad banaanbax ka dhan ah NISA dhigayay

0

Ciidamo Booliska ah ayaa waxaa ay rasaas ku kala eryeen dad ka banaanbaxayay warka ka soo baxay hay’adda NISA ee ku saabsan Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Saraakiisha Hay’adda NISA oo Nabadsugida Soomaliya ay sheegeen inay dileen Al-Shabaab, balse Al-Shabaab ay beeniyeen.

Banaanbaxan oo ka dhacay isgoyska KM4 ayaa waxaa dadkii dhigayay ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ugaga soo horjeedaan hay’ada Nabadsugida warkii ka soo baxay ee ahaa in Alshabaab ay dileen Ikraan Tahliil.

Muuqaalo lagu baabiyay Baraha Bulshada ayaa lagu arkay in Ciidamada ay dhulka lu jiidayeen Wariye ka tirsan Idaacadda & Tv-ga Goobjoog kaas oo lagu Magacaabo Bashiir Maxamuud.

Ad
Previous articleDeg Deg Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo Heshiis wada gaaray
Next articleRa’isul Wasaaraha Dalka oo la kumay Qoyska iskraan Tahliil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here