Home Wararka Caalamka Rasmus Paludan oo Markale Quraanka Kariimka ku gubay Caasimada Stockholm iyo Uppsala

Rasmus Paludan oo Markale Quraanka Kariimka ku gubay Caasimada Stockholm iyo Uppsala

0

Siyaasiga Danish-Swedish ee xagjirka ah ee garabka midig ee Rasmus Paludan ayaa isu soo baxyo ku qabtay Stockholm iyo Uppsala. isagoo halkaasi ku gubay Quraanka kariimka.

Banaanka masaajidka Uppsala, rabshado kooban ayaa ka dhacay markii ay ka soo muuqdeen dad Paludan ka raacay baraha bulshada oo ogaaday inuu imanayo, sida ay booliisku sheegeen.

Dhowr qof oo aan hubeysneyn ayaa weeraray gaariga Paludan ka hor inta uusan kaxeynin, muuqaal laga soo duubay wargeyska Expressen ayaa muujinaya .

Horaantii maalintaas Paludan ayaa falal noocaan oo kale ah ka fulisay dhowr goobood oo ku yaala magaalada Stockholm iyadoo ay barbar socdeen dabaaldega 1-da May. Sida uu sheegay booliska magaalada Stockholm, arrimuhu si wanaagsan ayay u dhaceen.

Paludan waa loo diiday codsiyo ku aadan inuu qabto mudaaharaad ka dhaca Stockholm iyo Uppsala labadaba. Falalka Axaddii looma xisaabin inay yihiin isu imaatinka dadweynaha.

xiligag Easter-ka, Paludan waxa uu geestay falal kala duwan oo dad badan ku kaceen iyadoo rabshado badan ay wadanka ka dhaceen.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Hambalyo U Diray Munaadabada Ciiida Owgeed
Next articleWasiir ka tirsan Dowlada Denmark oo iska casilay Xilkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here