Home galmudug War Hada Ah Kulan Gaalkacyo uga Furmay Nicholas Haysom iyo Madaxda Galmudug...

War Hada Ah Kulan Gaalkacyo uga Furmay Nicholas Haysom iyo Madaxda Galmudug + Sawiro.

0
SHARE

Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa ka socda kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom, Wakiilka Midowga Afrika  iyo Madaxda maamulka Galmudug garabka Dhuuso Mareeb.

Maamulka Galmudug waxaa kulanka ku matalaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo sidoo kale Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi.

Kulanka ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee xiligan ka dhax taagan masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya .

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa madaxda Galmudug ka dhageesanaya xaalada siyaasadeed ee Galmudug iyo khilaafka u dhaxeeya Maamul goboleedyada iyo Dowlada Federaalka iyo sidii xal loo gaari lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here