Home Wararka Somaliya Galmudug oo war kasoo saartay Odayaasha lagu xir xiray Magaalada Cadaado

Galmudug oo war kasoo saartay Odayaasha lagu xir xiray Magaalada Cadaado

0

Mas’uuliyiinta Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay qabteen qaar ka mid ah odayaal dhowaan u safray magaalada Xarardheere oo uu ka taliyo ururka Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe ayaa sheegay in odayaasha la xirxiray ay ku dhaqaaqeen talaabo sharci daro ah oo ka baxsan dowladnimada.

“Galmudug ma metelo oday aan cidina dirsan waa marin habaabin wixii aad aragteen ee heshiis lama dhihi karo, cid kasta oo marin habaabintaas ka qeyb qaadatana waxaan horgeynaynaa sharciga” ayuu yiri wasiirka.

Maxamed Aadan Gaboobe ayaa sheegay in odayaashu ogaayeen in dagaal lagula jiro Al-shabaab, ayna ka talaabsadeen nidaamkii dowliga ah ee ka jira Galmudug.

“Waxay doonayeen inay dadkeenna la dagaaalamaya argagaxisada niyad jebiyaan, taasna deegaankaan kama shaqeyneyso, horeyna waanu ugu dignay,” ayuu yiri wasiir Gaboobe.

Waxaa uu intaas ku daray iney tahay dembi tegitaanka degaanada Al-Shabaab ee odayaashaas iyo iney la soo galaan heshiis aysan jirin cid ay ku metelaan.

Waxaa uu xusay in dhowaan la soo taagayo Maxkamad ayna wajihi doonaan ciqaabta ka dhalatay dembiga ay galeen, wuxuuna xusay inaan loo dulqaadan doonin cid kasta oo ku kacda falka noocan ah.

Ad
Previous articleOdayaasha lagu Xir Xiray Cadaado oo la geeyay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb, Sawiro
Next articleShabaab oo laga bur-buriyay Maxkamado ay ku Lahaayeen Shabeellaha Hoose, Sawiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here