Home galmudug Dhageyso Galmudug oo ka Warbixisay Gawaari lagu qabtay Magaalada Cadaado oo siday.

Dhageyso Galmudug oo ka Warbixisay Gawaari lagu qabtay Magaalada Cadaado oo siday.

0
SHARE

Maamulka Galmudug Garabka Magalada Cadaado ayaa faah faahin ka bixiyay Gaadiid kuwa Xamuulka qaado oo Maalintii Saddexaad ku xayiraan duleedka Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Gaadiidkaas oo gaaraya lix,isla markaana ah kuwa Soomaalida u taqaano(Candhameydlaha) ayaa looga shakiyay in ay hub sidaan kuna wajahan yihiin Magalada Dhuusamareeb,sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wasiirka Madaxtooyada Galmudug ee Garabka Cadaado Cumar Maxamed Diiriye(Guureeye) ayaa sheegay in Gaadiidkaas loo diray guddi baaritaano ku sameynayo maadaama laga shakiyay.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayuu sheegay in ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxyaabaha ay sidaan balse markii uu baaritaanka ku soo dhamaado ay faah faahin ka bixin doonaan.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here