Home Wararka Somaliya Beelo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud oo heshiis la dhex dhigay

Beelo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud oo heshiis la dhex dhigay

0

Guddi loo xilsaaray nabadeynta Beelo dhawaan ku dagaalamay degaano hoostaga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay heshiis kala dhex-dhigaan labada maleeshiyo Beeleed, kadib kulamo ka dhacay degmada Cabudwaaq.

Heshiiskaas ayaa ka dambeeyay kadib markii Mas’uuliyinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug iyo Odayaasha labada Beelood ay yeesheen kulamo kala duwan sidii xal looga gaari lahaa dagaalka labada beelood oo ah mid soo laab laabtay.

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta labada Beelood oo Warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay heshiiska la dhex-dhigay labada Maleeshiyo ee dagaalamay, iyada oo heshiiskas ay saxiixeen Odayaasha labada dhinac, waxaana heshiiska kamid ah.

1: in dhamaan raggii ku dhintay dagaalka dhex-maray labada beelood maga ama Diyo lagu kala qaato, taas oo ah Boqol Halaad oo Geel ah.

2: In magta ama diyada lagu bixiyo muddo lix bilood gudahood ah lana siiyo dadka leh dhaxalka dadka dagaalka ku dhintay.

3: In mid kamid ah beelaha dagaalamay ay beesha kale siiso diyada Saddex Marxuum, kuwaas oo kala ah, Korneyl Faarax Cilmi, Shreekh Carab bootan Cabduweli urur Maxamuud.

4: in Beesha kale iyana ay bixiyaan diyada laba Ruux oo kala ah, Aadan jaamac Axmed Deeq Farax Gurxan.

Qodobadaas iyo qodobo kale ayaa lagu heshiisiiyay labada maleeshiyo  Beeleed eek u dagaalamay degaano hoostaga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Madasha lagu soo bandhigayay Heshiiskan Beelaha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dib u-heshiisiinta Galmudug, Maamulka Degmada Cabudwaaq  Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka  Galmudug, Golaha Odayaasha Dhaqanka, iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo ku baaqay in qodobada heshiiska la fuliyo.

Ad
Previous articleDowlada Sacuudiga oo Xireysa Dugsiyada uu Turkiga ku leeyahay Dalkaasi
Next articleMaamulka Puntland oo Sharuud ku xiray Shir uu ku baaqay Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here