Home galmudug Haweenka iyo Ciidamada Boliiska Galmudug, oo Howla Nadaafadeed ka sameeyay Magaalada Galkacyo...

Haweenka iyo Ciidamada Boliiska Galmudug, oo Howla Nadaafadeed ka sameeyay Magaalada Galkacyo {Sawiro}

0

Olalahaan nadaafadeed oo ay ka qeyb qaadanayaan Haweenka Galkacyo iyo  ciidamada booliiska Galmudug ayaa ugu horeyn waxaa ka warbixiyay Duqda Dagmada
Galkacyo xirsi yuusuf barre, waxaana uu sharaxaad ka bixiyay olalahaan

Waxa uu sheegay in tilaabadaan ay Muhiim utahay Magaalada Galkacyo, si Loo soo Celiyo Nadaafada Guud ee Magaalada.

 

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska fadraalka ee Galmudug G/sare Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb)  ayaa isna sheegay in talaabo laga qaadi doono ciddii lagu arko iyadoo qashin ku shubeysa meelo aan habooneeyn waxaa sidoo kale taliye ku xigeenku uu digniin u jeedayay.

ganacsatada goobaha ganacsi ku leh meelaha halboowlaha u ah bulshada
kuwaa oo uu tilmaamay in nadaafad xumida ugu badan ay iyagu masuul ka
yihiin sidaa darteedna talaabo laga qaadi doono haddii lagu arko
hortooda qashin iyowaxyaabo kale oo wax udhimi kara bilicda deegaanka

Ugu danbeyna xildhibaanad Sahro Daahir Mire oo ka mida aheyd
masuuliyiintii wax ka waday olalaha ilaalinta nadaafada iyo faya
dhowrka ayaa ugu baaqday shacabka Galkacyo in ay u istaagaan
hagaajinta bilicda si looga feejignaado cuduro ka dhasha wasaqda

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here