Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday Golaha Sare ee...

Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Xili uu Dagaal Kasocdo Dalkaas(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga walaacsan tahay iska-hor imaadka hubaysan ee ka socda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada dal, waxa uuna ku celiyey baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa dhammaan walaalaha Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan wada-xaajoodyada iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin nabadda, midnimada iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka Suudaan.

Waxa uu xaqiijiyey in codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee IGAD, Midowga Afrika iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ku garab istaagayso dowladnimada iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Puntland oo qaaday tallaabo la xiriirta qorshaha ‘wax ka bedelka dastuurka’
Next articleNin Hubaysan oo Dad badan Ku laayay Dalka Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here