Home Wararka Maanta Xaaskii Jamal Khashoggi oo lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul oo...

Xaaskii Jamal Khashoggi oo lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul oo magangalyo siyaasadeed ka heshay Mareykanka.

0

Xaaska Jamal Khashoggi, Saxafigii lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul, ayaa magangalyo siyaasadeed ka heshay Mareykanka.

Mr Khashoggi ayaa dhintay bishii October ee sanadkii 2018-kii, waxaana sirdoonka Mareykanka ay sheegeen in ay aaminsan yihiin in Sacuudiga uu ka dambeeyay dilkiisa.

Xanan Elat, oo ah xaaska Khashoggi, ayaa u baqday ammaankeeda waxayna Mareykanka timid Agoosto 2020 si ay magangalyo u weydiisato.

BBC-da ayaa dib u eegtay dukumeenti muujinaya in la siiyay sharci magangalyo aan xad lahayn 28-kii Nofembar.

“Waan guuleysanay,” ayay Ms Elater u sheegtay BBC-da, iyadoo dareenkeeda iyo codkeeduba is badalay. “Haa, waxay nafta ka gooyeen Jamal, noloshaydana way baabi’iyeen, laakiin waanu guulaysanay.”

In ka badan saddex sano ayaa laga joogaa markii Ms Elatr ay markii ugu horreysay ka codsatay magangelyo siyaasadeed gudaha Mareykanka.

Waxay ku adkaysatay in nolosheeda ay khatar ku jirto haddii ay ku noqoto Masar, oo ay ka timid, ama Imaaraadka Carabta – gurigeeda in ka badan 25 sano.

Ad
Previous articleTaageerayaashii Deni oo u Wareegay Musharixiin kale
Next articleMaxay tahay shuruuddan dhabar-jabka ku ah Israa’iil ee ay Xamaas hor dhigtay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here