Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku dilay Nin Hub been abuur ah watay

Ciidamada Dowlada oo Muqdisho ku dilay Nin Hub been abuur ah watay

0

Ciidamada ammaanka ayaa xalay xaafada Bermuda gaar ahaan agagaarka xarunta degmada Howlwadaag ku dilay nin la sheegay in uu ahaa burcad biskoolado been abuur ah ama caag ah dadka uga dhacayay moobeelo.

Ninkan ayaa la sheegay in dhoor qof moobeelo uga qaatay biskoolada caaga ah uu watay ,waxaana markii dambe kusoo baxay oo eryayay ciidamada ammaanka oo ugu dambeyn toogasho ku dilay.

Ciidamada booliiska saldhiga degmada Howlwadaag ayaa markii dambe qaaday meydka ninkan dhaca geesanayay ee la dilay, waxa ay sidoo kale booliiska qaadeen qaar kamid ah moobeeladii uu ninkaasi soo dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan waxaa kusoo badanaya burcada ku hubeesan qoryaha iyo tooreeyada ee dadka dhaca u geesta, burcadan ayaana mararka qaar dil u geesta dadka dhaca ay u geesanayaan ee isku dhejiya telfoonada.

Ad
Previous articleCiidamada PSF iyo Kuwa Puntland oo Markale Dagaal Dhexmaray
Next articleQaraxyo Kahsaaro Gaystay oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here