Home Wararka Maanta Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxmed Waare ayaa qoraal...

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxmed Waare ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu raali-gelin uga bixiyay hadalo gaf ahaa uu u geestay midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya. Wareysi uu warbaahinta Itoobiya siiyay safiirka ayuu ku difaacay heshiiskii ay dhawwaan magaalada Adis Ababa ku gaareen Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Qoraal uu goordhaw bartiisa Twitterka ku daabacay safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho ayuu raali-gelin buuxda uga bixiyay wareysigii uu bixiyay, waxa uuna cafis weydiistay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan raali galin ka bixinaya waraysigii aan dhawaan warbaahinta dalkeyga aan siiyey ma ahayn mid lagu qanci karo, waxaana cafis weydiisanayaa walalaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,Soomaaliya iyo itoobiya waxay wadaagaan xariir qoto dheer, waxaa iga go’an ka Safiir ahaan inaan si xoog ah ugu shaqeeyo oo aan xoojiyo xariirka labadeena dal ee walalaha si loo xoojiyo wada shaqeeynteena” ayuu yire danjire Mukhtar Maxmed Waare safiirka Itoobiya. Raali-gelinta safiirka Itoobiya ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xilli isna Ra’isul Wasaaraha Itoobiya dhawwaan shaaciyay in uu aqoonsan yahay midnimada Soomaaliya ayna wadin xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya.

0

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxmed Waare ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu raali-gelin uga bixiyay hadalo gaf ahaa uu u geestay midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya.

Wareysi uu warbaahinta Itoobiya siiyay safiirka ayuu ku difaacay heshiiskii ay dhawwaan magaalada Adis Ababa ku gaareen Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Qoraal uu goordhaw bartiisa Twitterka ku daabacay safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho ayuu raali-gelin buuxda uga bixiyay wareysigii uu bixiyay, waxa uuna cafis weydiistay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan raali galin ka bixinaya waraysigii aan dhawaan warbaahinta dalkeyga aan siiyey ma ahayn mid lagu qanci karo, waxaana cafis weydiisanayaa walalaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,Soomaaliya iyo itoobiya waxay wadaagaan xariir qoto dheer, waxaa iga go’an ka Safiir ahaan inaan si xoog ah ugu shaqeeyo oo aan xoojiyo xariirka labadeena dal ee walalaha si loo xoojiyo wada shaqeeynteena” ayuu yire danjire Mukhtar Maxmed Waare safiirka Itoobiya.

Ad
Previous articleIlhaam Cumar oo ka hadashay khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya
Next articleWiilkiisa ayuu usoo iibiyey cabitaan wax yar kahor inta aan geeridiisa la ii sheegin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here