Home galmudug Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya oo Warsaxaafadeed Ka soo saartay Gogoshii Farmaajo u...

Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya oo Warsaxaafadeed Ka soo saartay Gogoshii Farmaajo u Fidiyay Madaxda Maamul Gobaleedyada (Akhriso)

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay is maandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo xaqiijisay in weli ay sideedii tahay gogoshii uu fidiyay Madaxweynaya 8-dii bishii September ee uu isugu yeeray maamul goboleedyada, si loo dhameeyo arrimaha tabashooyinka ee jira.

Qoraalka War saxaafadeedka ayaa lagu yiri ” Dowladda Federaalka, iyadoo ixtiraameysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla waxay aaminsan tahay wadatashi, isla tashi iyo isku tashi, iyadoo wixii khilaaf ee dhaca lagu xalinayo si Soomaalinimo ah”

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ku adkeyneyso in xal u helista arrimaha masiiriga ee dalka ay tahay mid u taalla Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo hab ku saleysan wada tashi iyo isu tanaasul, ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran madaxda Qaranka, heer Federaal iyo heer maamul goboleed.

War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay qoraal ka soo baxay Aqalka sare looga dalbaday Madaxweynaha iyo Xukuumadda inay muddo saddex cisho uga soo jawaabaan mowqifkooda khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here