Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweyne Saciid Deni oo dalbaday in Somaliland ay ka qeyb-gasho shirarka golaha...

Madaxweyne Saciid Deni oo dalbaday in Somaliland ay ka qeyb-gasho shirarka golaha wadatashi Qaran Xili uu Asagu Ka Maqanyahay

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dalbaday in Somaliland ay ka soo qeyb-gasho wadahadallada madaxda Soomaalida ee golaha wadatashiga qaranka, si ay kaalin ugu yeelato go’aanada la gaarayo.

Madaxweyne Saciid Deni oo ka jawaabayey wareysi uu BBC-da siiyey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo muddo xileedkiisu uu sii dhamaanayo ayaa taageeray sida ay safiirku uga hadlay khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland iyo arrinta Somaliland.

Safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka Larry André ayaa wareysigaas ku soo jeediyey in Somaliland ay ka soo qeyb gasho wadahadallada dowlad-dhiska ku saleysan ee madaxda Soomaalida, waxaana soo jeedintaas taageeray madaxweynaha Puntland.

Saciid Dani ayaa yiri, “Waxa aan rabaa marka hore in aan soo dhoweeyo wareysi uu bixiyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka ee hadda la baddalay, mar uu ka hadlayay golaha wadatashiga iyo in arrimaha taagan ee Soomaaliya in laga wada-tashado, oo uu ugu baaqay Somaliland in ay qayb ka ahaato oo ay timaado miiska.”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Anagu waxaan leenahay haddii la rabo in laga baxo 30 sano xasilooni la’aanta jirta, waxaan ugu baaqayaa Soomaalida oo wadajirta in ay meel isugu imaato oo Somaliland ay ku jirto, oo si dhab ah loo wada-hadlo oo laga wada hadlo maxaa dalkaan dan u ah.”

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wax kasta oo lagu heshiiyo iyadoo la kala maqan yahay aysan mira dhali doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Inta la kala maqanyahay wixii lasoo saaro waa wax aan miro dhal ahayn, mowqifka Puntland horay ayaan caddeynay dastuurka ayey ku dhigantahay, waxa aan dooneyno waa dal Soomaaliyeed oo wadajira oo heshiis ah oo dimoqoraadi ah oo federaal ku saleysan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka ayaa wareysiga uu bixiyey ku yiri, “Waxaa aad loogu baahi qabaa in Soomaaliya ay go’aan ka gaarto kala cadeynta awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, taasi waxay ku imaan kartaa in la wadahadlo, waan jeclaan lahaa in Somaliland ay soo buuxiso kursiga uga banaan golaha wadatashiga qaranka.”

Mar uu ka hadlay khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe wuxuu yiri, “Puntland waa maamul si hagaagsan u dhisan oo sanado badan Soomaaliya ka jiray, door-weyn ayey Puntland ka qaadan kartaa dowlad-dhiska Soomaaliya oo waa u muhiim in lagu metelo madasha wadatashiga qaran.”

Danjire Larry André wuxuu intaas ku sii daray in Puntland ay wax un tirsaneyso, balse uu ugu yaraan laba jeer ka dalbaday inay u sheegto waxa ay ka qabaan arrimaha waaweyn oo golaha wadatashiga qaran ay ka doodayaan.

“Ugu yaraan laba jeer ayaan Deni weydiiyey waxa uu qabo, balse wax jawaab ah maanan ka helin, Puntland loogama maarmi karo dhismaha qaranka Soomaaliya, waa inay miiska la yimaadaan tabashada ay qabaan, taani waxay dhiira-gelinaysaa kala cadeynta awoodaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah,” ayuu yiri safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Sudaan oo Markale Dagaal Culus ka Qarxay
Next articleCabdiraxmaan Cabdishakuur oo Baaq Geesinimo leh U diray Madaxweyne Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here