Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Safar uu ka tagi lahaa Lodon oo la joojiyay...

Madaxweyne Xasan Sheekh Safar uu ka tagi lahaa Lodon oo la joojiyay iyo Sababta keentay

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waday in uu u safro magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, si uu uga qeyb galo xaflada caleemo saarka Boqorka cusub ee UK.

Xasan Sheekh ayaa markii hore kamid ahaa madaxda loo diray casuumadda ee la qorsheeyay in ay ka qeyb galaan xaflada caleemo saarka Boqorka UK, hasa ahaatee waxaa mar kale la joojiyay casuumaddii loo soo diray madaxweynaha Soomaaliya.

Sida xogta lagu helayo dowladda Ingiriiska ayaa farriin ay usoo dirtay madaxtooyada Soomaaliya ku war-galisay in laga laabtay casuumaddii ay u fidiyeen Xasan Sheekh lagana saaray liiska xubnaha ka qeyb galaya munaasabada caleemo saarka.

Dowladda Ingiriiska sababta ay uga laabatay casuumadda madaxweyne Xasan markii hore u fidisay ayaa la sheegay in sabab u tahay in Soomaaliya kamid tahay dalalka UK xanibaada safarka saartay ayna si toos ah diyaarad Muqdisho uga tagtay London u tagi karin.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Canshuur Kordhin Samaysay iyo Falcelin Xoogan oo ka Dhalatay
Next articleGudoomiye Cali Jayte oo Ciidamo uu Hogaaminaayo oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here