Home Wararka Somaliya Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay shirka uu Farmaajo ku baaqay in...

Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay shirka uu Farmaajo ku baaqay in Garoowe uu ka furmo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee  ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaasoo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Ad
Previous articleXildhibaano Muqdisho kaga dhawaaqay kutlada badbaado Qaran
Next articlePuntland oo war kasoo saartay Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee Garoowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here