Home galmudug Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo Gaaray Magaalada Garoowe si shir ay Halkaa ugu...

Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo Gaaray Magaalada Garoowe si shir ay Halkaa ugu yeeshaan

0

Madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana soo dhaweyntooda ka qeyb galay Shacabka Magaalada Garowe, Madaxweynaha Puntland iyo Golihiisa Wasiiradda.

Labada madaxweyne Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe oo hal diyaarad ka soo qaadday magaalada Baydhabo ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen.Maxamed Bashiir, waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa safar dhanka dhulka ah  uga  soo kicitimay magaalada Gaalkacyo, waxaana uu soo maray degaano dhowr ah,isagoo ugu dambeytii gaaray Garowe.

Qodobada shirkaan looga hadlayo weli faah faahin lagama hayo,laakiin wuxuu ku soo aadayaa xilli khilaaf u dhexeeyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda golaha islaashiga dowlad goboleedyada oo qaarkood doorasho ku soo fool leedahay.

Ammaanka Magaalada Garowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana jiray in Ciidamo ay saakay Sameeyeen Gadood.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here