Home galmudug Dhageyso Hadalkii uu jeediyay Musharaxa Axmed Baasto oo gaaray Magaalada Cadaado.

Dhageyso Hadalkii uu jeediyay Musharaxa Axmed Baasto oo gaaray Magaalada Cadaado.

0

Musharax Axmed Baasto oo kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Galmudug ayaa galabtay  gaaray magaalada Cadaado ee xarunta baarlamanka Galmudug waxaana garoonka kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Masharaxa oo dadkii soo dhaweeyay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinkiisa Cadaado isla markana u taaganyahay qabashada xilka.

Axmed Baasto ayaa kasoo jeeda Beesha Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi kariin Xuseen lamana oga sababta keentay in uu xilkaasi isku soo sharaxo madama uu jiro khilaaf xoogan.

Madaxweyne kuxigeenkii Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Suldan Axmed Nuur, Xildhiban Xasan Claahi Cascasey iyo Xildhiban Hore Xasan Keynaan oo ka hadlay goobta lagu soo dhaweeyay musharaxa ayaa u rajeeyay guul.

Halkan Hoose ka dhageyso Khudbadii Axmed Baasto.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here