Home Wararka Maanta Maleeshiyo Hubaysan oo Dad Shacab ah oo Gaari saarnaa Ku laayay Kaxandhaale

Maleeshiyo Hubaysan oo Dad Shacab ah oo Gaari saarnaa Ku laayay Kaxandhaale

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay uu weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaas oo hoostaga Galmudug.

Weerarka oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo kusii jeeday dhanka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warxiyay weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in maleeshiyaadka ay waddada u galeen gaariga, xilli uu maray agagaarka deegaanka Kaxandhaale, kadibna ay ku fureen rasaas xoogan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in falkan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof oo laba kamid ah ay dumar yihiin, halka saddexda kalena ay haayeen rag la socda baabuurka.

“Gaariga wuxuu kusii jeeday degmada Gaalkacyo, waddada ayaa maleeshiya u gashay weerar dhaba gal ah aa lagu qaaday isaga oo maraya nawaaxiga Kaxandhaale markii hore afar qof ayaa ku dhimatay saddex rag ah iyo hal dumar ah, sidoo kalena waxaa dhaawacantay haweeney kale oo markii dambe lasoo sheegay inay geeriyootay” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weerarkan ay geysteen maleeshiyaad beleed deegaanka ah, isla-markaana goobta isaga baxsaday kadib dhacdadaasi.

“Weerarkaas waxaa ka dambeeyay dadka qabaa’ilkaa oo meesha wada daga maleeshiyadu waxa ay kasoo jeedeen Gaalkacyo, dhinaca Galmudug” ayuu sii hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn nabadoonkan ayaa farriin u diray dowladda dhexe, Galmudug iyo odayaasha dhaqanka, isaga oo ku baaqay in loo istaago ka hortaga dilalka ka socda Galgaduud.

“Waxaan leeyahay dadka yaan la leyn aan dhexda marada ku xirano, kana hortegno colaaddaasi” ayuu mar kale yiri.

Xaaladda ayaa maanta kacan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayo halkaasi, sida ay soo wariyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa marar badan kusoo noq noqday dagaal beeleedyada iyo weerarada jidgalka ah ee ay geysanayaan rag hubeysan, kuwaas oo dad badan lagu dilay.

Ad
Previous articleCiidamada Kenya oo Dilay 50 ka Mid ahaa Alshabaab oo weerar ku Qaaday….
Next article“Waxaa jirta baahi loo qabo in la muujiyo in aanaan hadli karin oo keliya balse aan qaniini karno,” Militariga qabsaday Niger oo ka jawaabay digniin soo Diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here