Home Wararka Maanta Xukunka Askari 19 sano ka tirsanaa Ciidanka laguna helay inuu Alshabaab La...

Xukunka Askari 19 sano ka tirsanaa Ciidanka laguna helay inuu Alshabaab La Shaqaynaayay iyo Xukun lagu Riday

0

Xukunka Askari 19 sano ka tirsanaa Ciidanka laguna helay Falal Argagaxisanimo.

Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) oo ka tirsan Ciidanka minishiibiyada ee degmadda Afgooye, ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta istidlaaca (Jaajuusnimo) isaggoo xogaha saraakiisha, shaqaallaha iyo maamulka degmadaasi u gudbin jiray argagixisada.

Xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay maamulka degmadda Afgooye, ciidannimadana waxa uu qortay sanadkii 2005, isaggoo khawaarijta ku biiray 2017, waxaana uu la shaqeyn jiray madaxii amniyaadka gobolka Shabeellaha hoose oo magaciisa afgarashada uu yahay Abtiga, kaasi oo markii hore ku tashkiiliyey kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada, Is-faham kadibna waxaa lagu soo xiray labo dhagarqabe oo amniyaadka kooxda u jooga Afgooye ka mid ah.

Waxa uu si joogto ah khawaarijta ugu gudbin jiray xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada maamulka iyo saraakiisha amniga degmadda Afgooye, waxaana uu ka qeyb ka ahaa shirqool lagu dilay guddoomiye ku xiggeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil August 2022, dilkaasna waxaa kala shaqeeyey nin lagu magacaabo Yaasir Jiis oo hadda ah Horjoogaha guud ee ee Maleeshiyada ku dhuumaalaysata gobolka Shabeellaha hoose.

Muddadii uu shaqeynayey waxa uu khawaarijta la wadaagay xogaha shaqo ee shaqsiyaad ay kamid yihiin, Taliyihii hore ee booliska Afgooye, Taliye ku-xiggeenka saldhiga degmadda iyo guddoomiye waaxeedka 21-Octobar, kuwaasi oo xogo dhameystiran uu ka bixiyey.

Sidoo kale Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage mar uu kormeer shaqo ku tagey xerooyinka Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin Afgooye, ayuu xogo ku saabsan kormeerkiisa la wadaagay Khawaarijta.

Ciidanka NISA oo ku raadjoogay Daahir Garboole, ayaa shan iyo tobankii bishii October 2023 qabtay gudaha degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) 10 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Ad
Previous articleFarmaajo oo kuwajahan Magaalada Laasacaanood
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay Shir arrin muhiim ah looga hadlay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here