Home Wararka Maanta Maxay Dowladaha Somalia iyo Norwey oo ka wadahadleen iyo qodobo Muhiim ah...

Maxay Dowladaha Somalia iyo Norwey oo ka wadahadleen iyo qodobo Muhiim ah oo kasoo baxay(Sawirro)

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta booqasho ku tegay aqalka Golaha Shacabka Norwey ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay xildhibaan Marian Hussein oo ah xildhibaankii ugu horreeyay ee isir ahaan Soomaali ah.

Ergeyga ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaanno ka kala socday xisbiyada kala geddisay iyo Ismacil Xusseen oo ah siyaasi ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee  magaalada Oslo.

kulanka oo sidoo kale ay warbaahintu maxalliga ahi qeyb ka aheyd ayuu Ergeygu kaga warbixiyay xaaladda Abaarta ee Soomaaliya iyo sida ay lama huraan u tahay in xubnahaani gacan ka geystaan u qaareemidda arrimaha Soomaaliya iyo garab qabashadeeda.

Xildhibaannada oo wadahadal dheer la yeeshay Ergeyga ayaa si dareen le huga hadlay arrinka Soomaaliya iyada oo gaar ahaanna Xildhibaan Maryan ay muujisay sida Iyada iyo Xisbigeeduba ay horay iyo haddaba ugu dedaalayaan gacan siinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

Ad
Previous articleCali Dheere oo dhawaan Dowlada Soomaaliya Sheegtay in la Dilay oo soo Hadlay
Next articleDowladda Oo Soo Bandhigtay Eedo Culus Oo Loo Heysto Saxafi Cabdalla Muumin oo Dhawaan la Xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here