Home Wararka Maanta Ciidamada Kenya oo Dilay 50 ka Mid ahaa Alshabaab oo weerar ku...

Ciidamada Kenya oo Dilay 50 ka Mid ahaa Alshabaab oo weerar ku Qaaday….

0

Dowlada kenya ayaa Faahfaahisay Howlgal ka Dabatag ah oo Ciidamada Kenya Ku Qaadeen Koox Ka Tirsan Alshabaab oo weerar Dhiig ku Daatay Qaaday Ismaamulka Laamu ee Dalka Kenya.

Weerarkaan ayaa Alshabaab ku khaarijeen lama Qof oo Shacab ahaa Toban Qof oo kala Dhaawacay Dowlada kenya ayaana Sheegtay in Alshabaab Doonaayeen inay Dilaan 200 oo qof Balse ujeedkoodii la Fashiliyay.

Wasiirka arimaha Gudaha Dowlada Kenya ayaa Baarlaanka Dalkaas u Sheegay inay Ciidamada Amaanka oo Howlgal Ka Dabatag ah qaaday ay Dileen ku Dhawaad lixdan ka Tirsana Alshabaabkii weerarka Soo Qaaday.

Wuxuuna Intaas ku daray in Gabi ahaanba Lasoo Afjaray aslahabaabkii weerarka Soo qaaday Xili ay Doonaayeen inay ku dhuuntaan Dhulka Howdka ah ee Boona Wuxuu kaloo intaas ku Daray in aad loo adkeeyey Amaanka Xadka ay lawadagaan Soomaliaya.

Ad
Previous articleTaliyihii Guutada Cali Bin abiidaalib oo lagu dilay Masaajidka Cali Gaduud Xili uu ku siijeeday Furimaha Dagaalka Galmudug
Next articleMaleeshiyo Hubaysan oo Dad Shacab ah oo Gaari saarnaa Ku laayay Kaxandhaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here