Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Magaalada Baydhabo iyo ujeedka Safarkiisa(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Magaalada Baydhabo iyo ujeedka Safarkiisa(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Airport ee Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud.

Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee BFS, Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed, Maamulka Gobolka Baay kan Degmada Baydhabo Saraakiisha Hay’addaha Amniga, Odeyaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo ayaa sido kale Garoonka kuso dhoweyey Madaxweynaha Jamhuuriyada

Socdaalka Madaxweyne Xasan Shekh ayaa ah Dardargelinta Bilaabida Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka looga Saarayo Khawaarijta Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed ayaa xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab oo wajiga labaad laga fulin doono deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Xariga ka Jaray Garoonka Demada Baxdo oo Diyaaradii u horaysay Goordhow ka Dagtay(Sawiro)
Next articleJabuuti oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Cusbitaalka ku yaalla Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here