Home Wararka Caalamka Meydadka Dhalinyaro Somali ah oo laga helay Guri ku yaala Gobolka Ohaayo

Meydadka Dhalinyaro Somali ah oo laga helay Guri ku yaala Gobolka Ohaayo

0

Meydadka laba Dhalinyaro Soomaali ah ayaa laga helay Guri ay deganaayeen oo kuyaalla Gobolka Ohaaya ee dalka Mareykanka, halka mid kale uu kujiray xaalad halis ah.

Dhalinyaradaan ayaa waxaa la sheegay inay isticmaaleen waxyaabaha maanka dooriya oo halis ah, taas oo keentay inay lab kamid ah dhintaan oo Wiil iyo Gabar ah halka mid kalena isbitaalka loola cararo.

Ciidamo katirsan Booliska Mareykanka oo tegay Guriga ay deganaayeen Dhalinyaradaan ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku saabsan waxa sababay geerida labada dhalinyarada ah, isla markaana natiijada kasoo baxda ay soo bandhigi doonaan.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa sanad walba soo wajaha dhalinyaro baddan oo Soomaali ah gobolka OOhaaya ee dalka Mareykanka kunoo,  kuwaas oo in badan oo ka mid ah la kulmaan dhibaatooyinka Dhimirka, xanuunada Maskaxda, isku dhexyaac, raadinta si joogtaa in ay daroogo u helaan, Dhimasho iyo waxyaabo kale.

Sanadkani waa kii ugu darnaa oo Dadka kunool Gobolka Ohaaya ee dalka Mareykanka ay la kumiyaan ku dhawaad 20 labaatan dhalinyaraa arimo la xariiro daroogada iyo Hubka lagu soo qabtay, kuwaas oo ku xiran xabsiyada Mareykanka.

Safaaradda Somaaliya ee dalka Mareykanka ayaan weli ka hadlin dhacdadaan sababtay dhimashada labada dhalinyarada Soomaalida ah, iyada oo falalkaan ay yihiin kuwo ay mararka qaar la kulmaan Soomaalida.

Ad
Previous articleWar ka soo kordhay Markabkii ay Xuutiyiintu gantaalka ku dhufteen shalay
Next articleWar Deg Deg:Ciidanka dowladda iyo kuwa macawisleyda oo dib u qabsaday degmooyinkii ay bilooyin ka hor ka baxeyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here