Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Galabtay Si Rasmi ah u Saxiixay Ku Biiritaankii...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Galabtay Si Rasmi ah u Saxiixay Ku Biiritaankii Bulshada Bariga Afirica iyo Qariiradii oo Soomaaliya lagu Soo Daray

0

Waxaa isbedel lagu sameeyay qariiradda urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee EAC.

Isbedelka lagu sameeyay qariirada ururka EAC ayaa imaneysa kadib ku biiristii Soomaaliya, waxaana lagu biiriyay qariiradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa daba-yaaqada bishii hore ee November si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, ayada oo sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Qariiradda EAC ayaa markii hore aheyd sida hoos ka muuqato;

Ku biirista EAC ayaa qariiradda isku badashay sida hoos ka muuqato;

Ku biirista EAC ayaa waxay fursad weyn u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.

Madaxweynaha Soomaaliya oo 24-kii November guddoomay xubinimada ururkaan ayaa waxa uu ku biirista dalladan ku ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”

Soomaaliya ayaa sidoo kale markaas soo bandhigtay faa’iidada ay u leedahay shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.

Ad
Previous articleDagaal culus oo ciidamo beeleedyo ku dhex maraya deegan ka tirsan gobolka…..
Next articleAbwaan Hurre Ibraahin Walanwal oo geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here